Manchester United oo yabooh qaali ah usoo bandhigtay difaaca naadiga Barcelona ee Ronald Araujo… (Mushahar intee la eg ayay u balan qaadday?)

(Manchester) 08 Feb 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lasoo warinayaa inay qalqaalo xooggan ugu jirto saxiixa difaaca naadiga Barcelona ee Ronald Araujo iyagoo kusoo jiidanaya heshiis uu sanadkii ku qaadanyo 8.4 milyan oo gini.

Shaki weyn ayaa ku jira mustaqbalka difaacan reer Uruguay ee garoonka Camp Nou isagoo haatan gudo galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaska uu kula jiro Barca.

Si kastaba ha ahaatee, suxufiga Isbaanishka ah ee Dario Montero ayaa isagoo la hadlaya barnaamujka caanka ah ee El Chiringuito sheegay inay Red Devils xiddigan usoo bandhigtay mushahar gaaraya 8.4 milyan oo gini sanadkii.

Montero ayaa intaas ku daray inaysan Barca u babac dhigi karin yaboohaas oo kale sababo la xiriira dhibaatooyinkeeda dhaqaale inkastoo lasoo warinayo inuu 22-sano jirkan doonayo baaqi ku ahaanshaha Blaugrana.

Araujo ayaa door muhiim ah ku leh ole’olaha naadigiisa Barcelona xilli ciyaareedkan 2021-22 isagoo u saftay 25 kulan tartammada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close