Sida ay xulalku ugu kala guuleysteen Koobka qarammada Afrika & Xulalka tirada ugu badan hantay tartankan

(Yaoundé) 07 Feb 2022. Xulka qaranka Senegal ayaa xalay markii ugu horreysay ku guuleystay Koobka qarammada qaaradda Afrika ee AFCON 2021 kaddib markii ay guul ka gaareen dhigooda Egypt.

Kulan la isku daalay oo wakhti dheeri ah la aaday ayaa 120 daqiiqo ku dhammaaday barbardhac 0-0 ah, waxaana labada xul lagu kala saaray rigooreyaal, iyadoo 4-2 gool ku laadyo ah ay ku adkaadeen xulka Senegal.

Xulka qaranka Senegal ayaana markoodii ugu horreysay taariikhda loo gacan geliyey Koobka qarammada qaaradda Afrika.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa sida ay xulalku ugu kala guuleysteen tartankan koobka qarammada Afrika iyo xulalka tirada ugu badan hantay tartankan.

Xulka ugu hanashada badan taariikhda koobka qarammada qaaradda Afrika waa xulka xalay koobka laga qaaday ee Masar ama Egypt, waxaana ay koobkan ku guuleysteen tiro todobo jeer ah oo kala ahaa; 1957, 1959, 1986, 1988, 2006, 2008, 2010.

Xulka labaad ee ugu qaadista badan koobka qarammada Afrika waa Cameroon oo sanadkan marti-gelinayey tartakan, waxaana uu qaaday shan jeer oo kala ahaa 1984, 1988, 2000, 2002, 2017.

Xulka saddexaad ee ugu hanashada badan koobka AFCON waa Ghana oo tiro afar jeer ah ku guuleystay sanadihii 963, 1965, 1978, 1982.

Xulka afaraad waa Nigeria oo saddex jeer qaaday koobkan sanadihii 1980, 1994, 2013, halka xulalka Ivory Coast, Algeria iyo DR Congo ay min labo goor ku guuleysteen koobka qarammada Afrika.

Dalalka Zambia, Tunisia, Sudan, Ethiopia, Morocco, South Africa, Congo iyo Senegal ay hal mar oo kaliya qaadeen tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika.

Haddaba halkaan hoose ka eeg tirada iyo sanadaha ay koobka qarammada Afrika xulalku ku kala guuleysteen:-

  • Egypt (7) – 1957, 1959, 1986, 1988, 2006, 2008, 2010
  • Cameroon (5) – 1984, 1988, 2000, 2002, 2017
  • Ghana (4) – 1963, 1965, 1978, 1982
  • Nigeria (3) – 1980, 1994, 2013
  • Ivory Coast (2) – 1992, 2015
  • Algeria (2) – 1990, 2019
  • DR Congo (2) – 1968, 1974
  • Zambia (1) – 2012
  • Tunisia (1) – 2004
  • Sudan (1) – 1970
  • Ethiopia (1) – 1962
  • Morocco (1) – 1976
  • South Africa (1) – 1996
  • Congo (1) – 1972
  • Senegal (1) – 2021*

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close