Karim Benzema: “2021 waxa uu ahaa sanadkeygii ugu fiicaa Real Madrid”

(Madrid) 02 Feb 2022. Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa markale dabaal degaya todobaadkan, kaddib markii la guddoonsiiyay abaal-marin ay bixiso hay’adda Saxaafadda ciyaaraha ee Madrid (The Madrid Sports Press Association).

Emilio Butragueno ayaa abaal-marintan u guddoomay Benzema isagoo ka wakiil ah xiddigan reer France, waxaana uu Talaadadii ku guddoonsiiyey Valdebebas, taasoo ka turjumaysa bandhiggiisii cajiibka ahaa ee 2021.

“Waan ku faraxsanahay kuna hanweynahay in aan ku guulaysto abaal-marintan.” ayuu Benzema u sheegay TV-ga Real Madrid.

“Waxa uu ahaa sanadkeygii ugu fiicnaa, sababtoo ah waxaan dhaliyay goolal badan, waxaan sameeyey caawin badan, kooxdeydana waxaan ka caawiyay inay guuleysato.

“Ujeedka Real Madrid mar walba waa inaan ku guuleysanno koobab iyo inaan ku guuleysanno tartan kasta, si fiican ayaan u shaqeyneynaa, waan ku noolahay dhammaantood, waxaana dooneynaa inaan shaqeyno oo aan sii wadno inaan u dagaalanno koobab xilli ciyaareedkan.”

Ilaa hadda xilli ciyaareedka 2021/22, Benzema ayaa u ciyaaray Real Madrid 28 kulan tartammada oo dhan, waxa uu ku guuleystay in uu dhaliyo 24 gool oo uu caawiyey sagaal gool oo kale kulammadaas, 17 ka mid ah goolashaas iyo todobo ka mid ah caawintiisa waxa ay yimaadeen isagoo ciyaaraya horyaalka La Liga Santander, taasoo ka caawisay Los Blancos inay fadhiso fooqa sare ee hoggaanka horyaalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close