RASMI: Kooxda Everton oo Macallinkeeda cusub u magacaabatay Frank Lampard

(Liverpool) 31 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Everton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegtay halyeeygii Chelsea ee Frank Lampard.

Everton ayaa go’aansatay inay iska cayriso macalinka reer Spain ee Rafael Benítez oo ahaa tababaraha kooxdeeda, sababa la xiriira natiijooyin liita ay la kulmeen xilli ciyaareedkan.

Website-ka rasmiga ah ee kooxda Everton ayaa daabacday warka la xiriira saxiixa Frank Lampard, kaasoo qalinka ku duugay heshiis laba xilli ciyaareed iyo bar oo gaaraya ilaa xagaaga 2024.

Lampard ayaa la wareegi doono mas’uuliyadda tababarka kooxda, laga bilaabo kulanka Everton iyo Brentford ay wada ciyaari doonaan Sabtida soo socota, kaasoo qeyb ka ah wareegga afaraad ee FA Cup.

Frank Lampard ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii ay la saxiixatay kooxda Everton, wuxuuna yiri:

“Sharaf weyn ayay ii tahay in aan matalo koox weyn oo sida Everton ah, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan bilaabo shaqada kaddib markii aan wada hadalnay mulkiilaha iyo maamulka kooxda, waxaan dareemay xamaasad iyo hami.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close