RASMI: Brentford oo la saxiixatay Christian Eriksen & Xiddiga Denmark oo kubadda cagta kusoo laabtay kaddib xanuunkii wadnaha

(London) 31 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Brentford ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Christian Eriksen iyadoo adeegsaneysa barteeda Twitter-ka iyadoo la gaartay heshiis lix bilood ah oo la kordhin karo haddii la isku af-garto isla markaana la gaarsiin doono bisha June ee sanadka 2023.

Eriksen ayaa ugu dambeyn garoommada kubadda cagta kusoo laabtay kaddib xanuunkii wadnaha kasoo gaaray intii uu socday tartankii qarammada Yurub ee xagaagii lasoo dhaafay uu u matalayay dalkiisa Denmark, taasoo keentay inay kooxda Inter Milan oo uu ka tirsanaa ay burburiso qandaraaskii uu kula joogay.

Kooxda lagu naaneyso The Bees macallinkeeda Thomas Frank ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kubbad sameeyahan la shaqeeyo markale xilli uu macallin u ahaa 16-sano jirkiisii.

Si kastaba ha ahaatee, 29-sano jirkan ayaa kusoo laabtay kubadda cagta isagoo inta ka dhimman xilli ciyaareedkan u ciyaari doona naadiga dhowaan galka ku ah horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close