Ronaldo oo uu saddexda sare ka reebay, Messi oo uu kaalinta u dambeysay geliyay & Erling Haaland oo doortay saddexda laacib ee ugu wanaagsan xilligan aragtidiisa

(Dortmund) 27 Jan 2022. Laacibka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa la weydiiyay xiddigga ugu fiican xilligan isagoo wareysi siinayay majaladda ESPN, waxaana xulashadiisa oo uu ku saleeyay sanadkii lasoo dhaafay uu saddexda hore ka saaray xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo halka uu Lionel Messi soo geliyay booska saddexaad.

Wareysigii uu siinayay ESPN ayaa weeraryahanka reer Norway lagu weydiiyay inuu magacaabo saddexda xiddig ee ugu fiican xilligan aragtidiisa, waxaana uu ku jawaabay: “Taasi waa su’aal fiican, sanadkii hore sow maahan?

Bayern want Haaland to take over from Lewandowski

“Waxay ila tahay inaad dhahdo lambarka koowaad waa Robert Lewandowski, kaddib, aniga ahaan, Benzema waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan, Messi isna sidoo kale cajiib ayuu ahaa.

“Sidaas darteed, Benzema iyo Messi waxay wadaagayaan boosaska labaad iyo saddexaad” ayuu Haaland jawaabtiisa ku qeexay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close