Neymar oo dib u bilaabay soo kabashadiisa wajiga gudaha garoonka… (Miyuu taam u noqon karaa kulanka Real Madrid?)

(Paris) 27 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska ayaa xaqiijisay in laacibkeeda Neymar Jr oo bilaabay ku orodka xerada tababarka kaddib labo bilood oo uu dhaawac garoommada kaga maqnaa.

“Neymar ayaa bilaabay inuu dib ugu ordo tababarka, waxaana uu bilaabay wejig dib isugu qaabeynta garoonka” ayuu u dhignaa bayaan ay soo saareen waaxda caafimaadka ee naadiga PSG.

Kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa wareegga 16-ka tartanka Champions League kula balansan kooxda Real Madrid iyadoo lugta hore ay wada ciyaari doonaan 15-ka bisha soo socota ee February, weeraryahanka reer Brazil ayaana la fahansan yahay inuu taam u noqon doono ciyaartaas.

Neymar ayaa dhaawac darani uu kasoo gaaray kulan ay kooxdiisa PSG 3-1 ku garaacday naadiga Saint-Etienne kaasoo ka tirsanaa horyaalka Ligue 1 isla markaana dhacay dhammaadkii November, waxaana markaas ay dhaqaatiirtu sheegeen inuu lix illaa siddeed asbuuc maqnaan doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close