Liverpool oo diyaarineysa dalab ay Juventus kaga dooneyso inay kaga soo qaadato Paulo Dybala

(Liverpool) 27 Jan 2022. Kooxda kubadda Liverpool ayaa lasoo warinayaa inay si dhow ula socoto xaaladda mustaqbalka weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala kaasoo beeca xorta ah lagu heli doono dhammaadka xill ciyaareedka haddii uusan cusbooneysiin qandaraaskiisa Bianconeri.

Qandaraaska 28-sano jirkan ayaa ku dhici doono wax ka yar lix bilood, waxaana uu haatan wada-xaajood la sameyn karaa koox walba oo ka dhisan meel ka baxsan Taliyaaniga si uu heshiis horudhac ah ula gaaro kaasoo uu bilaash ugu biirayo suuqa xagaaga marka uu dhammaado heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay wargeska Sportitalia, Reds ayaa dooneysa inay Dybala la wareegto maalmaha ka harsan suuqan January isla markaana ay dalab u gudbiso Juve si ay uga iibsato inkastoo aad loo filayo inuu laacibkan sii joogo horyaalka Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, laacibka reer Argentina oo xilli ciyaareedkiisii toddobaad ku qaadanaya Turin ayaa dhinaca kale xiiso ka helaya naadiga Inter Milan oo gambar gaaban ugu fadhisa inta uu qandaraaskiisa dhammaanayo iyadoo dooneysa inay bilaash ku qaadato suuqa xagaaga ee bartamaha sanadkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close