Sadio Mane oo isbitaalka loo qaaday kaddib jug xun oo kasoo gaartay ciyaartii uu xalay xulkiisa Senegal garaacay Cape Verde

(Cameroon) 26 Jan 2022. Laacibka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa la sheegay in la geeyay isbitaal kaddib markii ay isku dhaceen goolhayaha xulka qaranka Cape Verde ee Vozinha.

Sadio Mane scores AFCON wondergoal but injury worry stands out after  sickening head clash - Irish Mirror Online

Mane ayaa kaddib markii isbitaalka la geeyay sheegay inuu wanaagsan yahay inkastoo ay madaxa jug kasoo gaartay markii uu kubbad sare kula loolammay Goolhaye Vozinha oo casaan lagu siiyay khaladkaas.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka Reds ayaa guul ka saaciday xulkiisa Senegal isagoo goolka koowaad dhaliyay ciyaar ay 2-0 ugu gudbeen wareegga siddeed-dhammaadka tartanka qarammada qaaradda Afrika.

Barta rasmiga ah ee uu tartanka Africa Cup of Nations ku leeyahay Twitter-ka ayaa lasoo dhigay sawirka goolhaya Cape Verde oo isbitaalka ku booqday Mane, halka 29-sano Liverpool ka tirsan uu isna qoraal kula wadaagay 1.9-ka milyan ee ku xiran bartiisa Instagram inuu wanaagsan yahay isagoo uga mahad celiyay fariimahooda.

Sadio Mane Suffers Horrific Collision, Scores Minutes Later To Send Senegal  in Quarterfinals of AFCON 2021 (Watch Video) | ⚽ LatestLY

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close