Saddex ka mid ah Kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League oo ku loollamaya saxiixa Youri Tielemans

(London) 26 Jan 2022. Saddexda kooxood ee waa weyn ee ka wada dhisan dalka England, kuwaasoo kala ah Liverpool, Arsenal & Man City ayaa la soo warinayaa inay ku loollamayaan saxiixa Youri Tielemans.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya in kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League, Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ay dhammaantood wada doonayaan saxiixa laacibka khadka dhexe ee Naadiga Leicester City ee Youri Tielemans.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa sidoo kale isha ku haya saxiixa 24-sano jirkaan, kaasoo qandaraaskiisa Kooxda Foxes uu ku eg yahay sanadka 2023-ka.

Dagaal adag oo ku aaddan saxiixa laacibkan ayaa billaabanaya, haddii Naadiga Leicester City ay awoodi weydo inay Tielemans ku qanciso inuu qandaraaska u kordhiyo inta u dhaxaysa haatan illaa dhammaadka xilli ciyaareedka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close