Man City oo Dhammeystirtay saxiixa xiddig bartilmaameed u ahaa Man United iyo Liverpool… (Ogow qiimaha ay kula wareegeyso iyo xilliga uu Etihad imaanayo)

(Manchester) 26 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa iska indho saabtay inay safkeeda xoojiso suuqa bishan January, hase ahaatee, waxaase lasoo warinayaa inay heshiis la gaartay naadiga River Plate oo ay xagaaga kasoo qaadaneyso weeraryahankeeda Julian Alvarez.

Manchester City closing in on deal with River Plate for Argentina  international Julian Alvarez - report - Eurosport

Alvarez oo xilli ciyaareedkii hore 45 kulan u saftaytartammada oo dhan naadiga ka dhisan dalka Argentina ayaa dhaliyay 24 gool isagoo 15 kalena ka caawiyay xiddigaha kooxdiisa, waxaana bandhiggaas uu Man City ku qanciyay inay 18.5 milyan oo euro kula soo wareegto suuqa xagaaga soo aaddan.

Sida uu sheegay suxufiga diiradda saara suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, 21-sano jirkan ayaa qalinka dul dhigi doono qandaraas shan sano ah oo uu Etihad kaga ciyaari doono isagoo illaa bisha July amaah ugu sii ciyaari doono naadiga River Plate.

Si kastaba ha ahaatee, Citizens ayaa meel iska dhigtay inay suuqan sameyso saxiixa weeraryahan cusub iyadoo uu xitaa ka dhaqaaqay Ferran Torres oo Barcelona ku biiray, waxaana Pep Guardiola oo go’aankan shaaciyay bishii December ee sanadkii tagay uu kooxda koowaad kusoo daray Cole Palmer si uu weeraryahan cusub uga maarmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close