Xiddiga Chelsea ee Callum Hudson-Odoi oo shaki weyn abuuray kaddib shaacintiisa booqashadiisa Afrika & Inuu qaran baddesho oo suuro gal ah

(London) 25 Jan 2022. Ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara naadiga Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa dood badan oo ku aaddan mustaqbalkiisa ciyaaraha heerka qaran dhaliyay kaddib markii uu shalay barahiisa bulshada ku shaaciyay inuu markale booqanayo dalka Ghana.

Maadaama uu horyaalka Premier League gali doono fasax nasiinno ah oo kooban ayuu Hudson-Odoi shaaciyay inuu Ghana ku laabanayo isagoo bartiisa Twitter-ka: “Back to [Ghana] for a little break, see you soon.” – oo micnaheedu yahay waxaan ku laabanaya Ghana si aan nasiinno yar ugu soo qaato, si dhaqso leh baan isu arkeynaa”.

Tani waa booqashadii labaad ee uu xiddiga Chelsea ku aadayo dalka dhaca galbeeda qaaradda Afrika toddobo bilood gudahood balse shaacintii shalay ee booqashadiisan ayaa shaki weyn dhalisay iyadoo la filayo inuu la midoobo dalka ay waalidkiisa ku abtirsadaan isla markaana uu matalo xulka qaranka Ghana.

Si kastaba ha ahaatee, 21-sano jirkan ayaa ku dhashay dalka Ingiriiska isagoo saddex jeer u saftay xulka qaranka England ee waaweynka xilli uusoo ciyaaray heerarka dhallinyarada ee xulkan, balse waxa uu weli heystaa fursad uu xulka qaranka ku baddesho kahor bisha November ee sanadkan haddii uusan kulammo kale u safan xulka Saddexda Libaax.

Dalka Ghana ayaa iska diiday inuu qariyo xiiseynta inay helaan ciyaaryahanka asal ahaan dalkooda kasoo jeeda, waxaana laacibka Blues kula guuleystay Champions League xilli ciyaareedkii hore uu booqashadiisii hore la kulmay madaxweyanaha dalka Ghana ee Nana Akufo-Addo, madaxweynaha xiriirka kubadda cagta dalka Ghana ee Kurt Okraku iyo wasiirka isboortiga Ghana ee Mustapha Ussif iyagoo ka wada hadlay inuu laacibkan matalo xulka lagu naaneyso Black Stars (xiddigaha madow).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close