Madaxweynaha La Liga oo ka hadlay waxa sharciga horyaalkiisa uu ka qabo xaaladda Barcelona iyo Ousmane Dembele

(Barcelona) 25 Jan 2022. Madaxweynaha horyaalka La Liga Santander ee Javier Tebas ayaa wax laga weydiiyay xaaladda Ousmane Dembele ee naadiga Barcelona iyadoo kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee dalka Spain ay si cad u sheegtay inay laacibkan garabka ka ciyaara suuqa soo dhigtay.

Madaxweyne Tebas ayaa qaba inaysan Barca sameynin wax sharci darro ah, isla markaana ay xor u tahay inay xiddigeeda si shaac ka qaadid ah suuqa usoo dhigto maadaama qandaraaskiisa uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan isla markaana uu diiddan yahay inuu heshiis cusub saxiixo.

“Maya, maya, ilama ahan inay Barcelona sameysay wax sharci darro ah” ayuu Tebas ku bilaabay jawaabtiisa, waxaana uu raaciyay in agaasimaha ciyaaraha Barca ee Mateu Alemany uu maqnaashada Dembele ee ciyaarta Alaves uu ku qeexay inuu laacibka ku seegayay tababarka xanuunka Gastroenteritis (GAAS).

Dhinaca kale, xiddigii hore ee Borussia Dortmund ayaa dhexda ka galay dagaal sida la sheegay ay kooxda ku rikaateysay inuusan ciyaareyn illaa inta uu heshiiska ka cusbooneysiinayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close