Real Madrid oo xiiseyneysa inay lasoo saxiixato xiddig ka tirsan naadiga Leicester City

(Madrid) 24 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lasoo warinayaa inay si aad ah u xiiseyneyso xiddiga kooxda Leicester City uga ciyaara difaaca dhexe ee Wesley Fofana.

Fofana reveals his dream is to play for Real Madrid | Marca

21-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21, hase ahaatee, nasiib darro dhaawac daran oo kasoo gaaray lugt kulammadii isu-diyaarinta xilli ciyaareedkan ayaa sababay inuusan illaa iyo haatan u ciyaarin kooxdiisa fasalkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska MARCA, Los Blancos ayaa bartilmaameed ka dhigatay Fofana iyagoo doonaya inay ku xisaabtamaan mustaqbalka fog xilli ay loollan kala kulmeyso kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaaradda Yurub inkastoo uu naadiga Foxes kula jiro qandaraas dhacaya bisha June ee sanadka 2025.

Difaaca Faransiiska ah ayaa 38 ciyaarood u saftay kooxda Leicester xilli ciyaareedkii hore isagoo ka caawiyay inay ku guuleysato tartanka FA Cup, waxaana macallinkiisa Brendan Rodger uu haatan sheegay inuu Fofana tababarka buuxa kusoo laabanayo bisha soo socota ee February.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close