Dhaawac soo gaaray, rigoore uu khasaariyay iyo gurigiisa oo la jabsaday – maalin u xun Karim Benzema

(Madrid) 24 Jan 2022. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Karim Benzema ayaa shalay wajahay maalin uusan nasiibkiisa wanaagsaneyn iyadoo ay isugu tageen dhaawac, rigoore uu khasaariyay iyo gurigiisa oo la jabsaday misena la dhacay.

Qaybtii hore ee kulankii ay kooxdiisa Los Blancos barbarraha 2-2 ah la gashay shalay naadiga Elche ayuu Benzema lumiyay rigoore ay kooxdiisa heshay waana rigooradii ugu horreeysay ee uu dhalin waayo isagoo matalaya Real Madrid.

Dhibku halkaas kuma uusan hakan, ee waxaa soo gaaray dhaawac looga saaray ciyaarta daqiiqaddii 58-aad markaas oo lagu baddelay Luka Jovic, waxaana markii kulanka laga soo saaray kaddib soo gaartay in gurigiisa ku yaalla halka lagu magacaabo San Sebastián de los Reyes la jabsaday isla markaana la dhacay xilli uu cidlo ahaa sida laga soo xigtay warbaahinta 20 Minutos.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee 34-sano jirkan Faransiiska ah la dhaco gurigiisa, waxaana la jabsaday gurigiisa xilli uu ku maqnaa ciyaar ay naadigiisa Madrid la ciyaareysay Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close