Barcelona oo dooneysa inay saxiix weyn ku kabto booska difaaca bidix… (Waa kuma bartilmaameedkeeda?)

(Barcelona) 25 Jan 2022. Xilli maalmo kooban ay ka harsan yihiin suuqa kala iibsiga ee bisha January, naadiga Barcelona ayaa dooneysa inay sameyso saxiix cusub oo ay ku xoojineyso difaaceeda waxayna diyaar u tahay inay Ajax la gasho gorgortan ku aaddan inay heshiis amaah ah kaga soo qaadato Nicolas Tagliafico oo ka ciyaara dadabka bidix.

Fabrizio Romano on Twitter: "Nicolás Tagliafico's pushing to join Barcelona  next week. Ajax are still asking for permanent deal - while FCB only think  of loan move. 🇦🇷 #FCB Tagliafico only wants

Barca ayaanan heysan difaac bidix oo wanaagsan oo ay ku kabto Jordi Alba kaasoo xilli ciyaareed aan fadhin qaadanaya, waxayna taasi ku riixeysaa inay u dhaqaaqdo Tagliafico oo doonaya inuu suuqan ka hayaamo kooxdiisa.

Suxufiga ka faalooda suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in 29-sano jirkan uu Ajax ka dalbaday inay fasaxaan bishan xitaa ugu yaraan heshiis amaah ka bilaabanaya ay ku diraan si uu ugu biiro Barca halka kooxda Netherlands ka dhisan ay dooneyso keliya inay xiddigan hal mar is dhaafiso oo ay iib toos ah ku fasaxdo.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa la fahansan yahay inay keliya diyaar u tahay heshiis amaah ah oo ay difaaca reer Argentina ku dooneyso, waxaana labada naadi u harsan maalmo kooban oo ay wada-xaajoodka kala wareejinta xiddigan ku dhammeyn karaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close