Tababare Pep Guardiola oo loo soo bandhigayo shaqada xul qaranka… (Waa kee xulka doonaya inuu hoggaamiyo Macallinka Man City?)

(Manchester) 23 Jan 2022. Tababare Pep Guardiola ayaa lagu soo warramayaa inuu loo soo bandhigi doono shaqada xulka qaranka Netherlands ama Holland sida wararku ay tilmaamayaan.

Macallinka Manchester City ayaa laga yaabaa in shaqada xulka qaranka Netherlands uu qabto sanadka 2023-ka.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa warinaya in Macallinka Manchester City ee Pep Guardiola la siin doono fursad uu tababare ugu noqdo xulka qaranka Netherlands.

Xulka lagu naanayso Oranje ayaa isha ku haya inay shaqada u dhiibto Tababare Pep sanadka 2023-ka marka uu dhammaado qandaraaskiisa garoonka Etihad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close