Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Arsenal iyo Burnley ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(London) 23 Jannaayo 2022. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Arsenal iyo Burnley ee horyaalka Premier League ayaa la shaaciyey.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa kulammada maanta horyaalka Premier League kula balansan naadiga Burnley iyadoo naadiga Macallin Mikel Arteta ay heysato fursad ay booska afaraad ku imaan karto haddii ay galabta guul hesho.

Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta toddobaad ee jadwalka kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 35 dhibcood, waxayna guul ay gaarto ka dhigi kartaa inay 38 la yeelato Manchester United oo xalay 38 dhibcood yeelatay, Arsenal ayaase u baxsaneysa farqiga goolasha ee ay kaga sarreyso dhiggeeda, dhinaca kale, Burnley ayaa kaalinta ugu hooseysa ka fadhisa jadwalka kala sarreynta iyadoo leh 11 dhibcood, hase ahaatee, keliya 17 kulan ayay ciyaartay halka kooxda ay martida u tahay maanta ay dheeshay 20 kulan, xilli kulammadii 23-aad la ciyaarayo.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Arsenal XI:

Image

Burnley XI:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close