Liverpool oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park… +SAWIRRO

(London) 23 Jan 2022. Liverpool ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.

Daqiiqadii 8-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Virgil van Dijk kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Robertson.

32 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Oxlade-Chamberlain oo caawin ka helay saaxiibkiis Robertson ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad kooxda Crystal Palace ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ka dhigay laacibkooda Odsonne Édouard kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Jean-Philippe Mateta.

89 daqiiqo marka ay mareysay kooxda Liverpool ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddiga khadka dhexe reer Brazil ee Fabinho, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 1-3 ay ku hoggaamineysay Reds.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park, Reds ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka waxayna leedahay 48 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close