Kooxda Real Madrid oo ka badbaaday guuldarro ka soo gaari lahayd Elche, xilli dambena la yimid goolka ay garbo siman kaga dhigeen kulanka… + SAWIRRO

(Madrid) 23 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guuldarro ka badbaaday, xilli ay ka soo laabteen labo gool oo ay kaga horreysay kooxda Elche oo marti u ahayd kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Elche, inkastoo Benzema uu gool ku laad ka khasaariyey Los Blancos.

Markii uu gool ku laad kaas ka lumiyey Real Madrid weeraryahanka reer France, daqiiqadii 42-aad kooxda Elche ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Lucas Boyé kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Fidel Chaves sidaas ayaana lagu kala nastay.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib la isugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Elche ayaana hoggaanka sii dheereysatay, waxaana kulanka 2-0 ka dhigay Milla 76-daqiiqo, Real Madrid ayaana laga yaabsaday.

Laakiin kooxda Los Blancos ayaa goolka hore la timid 82’daqiiqo waxaana gool ku laad loo dhigay gool u beddelay Modric, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 weli looga gacan sarreeyey Real Madrid.

Dhammaadkii ciyaarta karoos uu soo qaaday V.Junior waxaa madax la helay Militao oo kulanka ka dhigay barbaro 2-2.

Real Madrid ayaa guuldarro ka badbaaday, waxaana kulankan uu ku soo dhammaaday garbo siman 2-2 ay la dhaafi waayeen Elche oo labo gool kaga horreysay.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close