Kooxda Chelsea oo guul raaxo leh ka gaartay Tottenham oo marti u ahayd kulanka London Derby… + SAWIRRO

(London) 23 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea oo guul weyn ka gaartay Tottenham oo marti  u ahayd kulanka London Derby ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay qeybta hore ee ciyaarta isku dheeli tiran, waxaana koox waliba ay doonaysay inay hoggaanka qabto.

Spurs oo marti ah ayaa shabaqa gaartay, waxaana gool u dhaliyey Kane, inkastoo uu kala tuuray Silva, waxaana goolkaas meesha ka saartay aaladda VAR, kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Blues ayaa dardar la soo laabatay, waxaana goolka hore u daah furay 47’daqiiqo Ziyech kaddib caawin uu ka helay Hudson-Odoi, waxaana uu kulanka ka dhigay 1-0 looga gacan sarreeyey Spurs.

Daqiiqaddii 55’aad markale Chelsea ayaa hoggaanka dheereysatay markii karoos uu soo qaaday Mount uu madax la helay Silva, waxaana ugu dambeyn uu kulanka ku soo dhammaaday 2-0.
Guushaan ay gaartay ayaa muhiim u ahayd Chelsea, waxaana Blues ay baxaysaa iyadoo guul weyn ka gaartay Tottenham oo dhowr kulan ay garaacday xilli ciyaareedkan, maadaama la’aadayo ciyaaraha caalamiga ah.
Blues ayaa ku jirta haatan kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 47 dhibcood 24 kulan oo ay ciyaartay, halka Spurs ay fadhiso kaalinta 7-aad iyadoo leh 36 dhibcood 20 kulan oo ay ciyaartay.
SAWIRRO:
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close