Horudhac: Chelsea vs Tottenham Hotspur… (Thomas Tuchel oo si cad ugu awood sheegtay Tottenham & ceebta ka heysata Spurs kulankan)

(London) 23 Jan 2022. Kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa markii afaraad iska hor imaanaya xilli ciyaareedkan iyagoo caawa ku balansan horyaalka Premier League is-araggoodii labaad ee fasalkan.

Blues oo kulankii hore soo adkaatay ayaa ku jirta booska saddexaad ee jadwalka kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 44 dhibcood, halka Spurs ay ku jirto kaalinta lixaad iyadoo leh 36 dhibcood, hase ahaatee, farqi afar kulan ayay is dheeryihiin labada naadi maadaama kooxda Macallin Thomas Tuchel ay dheeshay 23 kulan halka martida ay ciyaartay 19 kulan oo qura.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Tuchel ayaa sheegay inuusan heli doonin difaacyadiisa dhaawaca ah ee Trevoh Chalobah, Ben Chilwell, Andreas Christensen iyo Reece James, halka Goolhaye Edouard Mendy uu xulkiisa Senegal kala qayb galayo tartanka qarammada qaaradda Afrika ee AFCON 2021.

Dhinaca kale, Eric Dier ayaa usoo laabanya Tottenham isagoo dhaawac muruqa ah ku maqnaa saddex asbuuc, hase ahaatee, Son Heung-min iyo Cristian Romero ayaa la heli doonaa uun kaddib nasiinnada qarammada.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Tottenham ayaa adkaatay kaliya toddobo ka mid 59 kulan oo ay Premier League kaga hor tagtay naadiga Chelsea.

Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay horyaalka ku wajahday Spurs iyadoo adkaatay shan ka mid ah midka kalena barbarro la gashay, waxayna gool u diidday shan kulan oo ka mid ah lixdaas ciyaar.

Blues ayaa sidoo kale shabaqeeda ka difaacatay Tottenham afartii ciyaarood ee uu leylinayay Thomas Tuchel iyadoo ka dhalisay toddobo gool halka shabaqooda uu maran yahay.

Spurs ayaa Stamdford Bridge kusoo adkaatay kaliya hal kulan 36-dii jeer ee ugu dambeysay oo ay halkaas booqatay tartammada oo dhan, waxayna markaas kulan horyaalka ka tirsan ku adkaatay 3-1 bishii April ee sanadkii 2018 markaasoo uu macallinka Tottenham ee Antonio Conte uu majaraha u hayay Chelsea.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Chelsea:

Tottenham Hotspur:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close