Burnley oo taako u dhigtay kooxda Arsenal oo marti ugu ahayd garoonka Turf Moor

(London) 23 Jan 2022. Burnley ayaa taako u dhigtay kooxda Arsenal oo marti ugu ahayd garoonka Turf Moor, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Arsenal iyo Burnley ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Arsenal iyo Burnley, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Turf Moor.
Gool FM.