Man United oo garoonkeeda Old Trafford guul dirqi ah kaga gaartay kooxda West Ham… +SAWIRRO

(Manchester) 22 Jan 2022. Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul dirqi ah kaga gaartay kooxda West Ham, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo West Ham United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 90 + 3-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Rashford kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Cavani.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda West Ham United oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, United-ka ayaa haatan soo fariisatay kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka, waxayna leedahay 38 dhibcood.
SAWIRRO:
Gool FM.