Muxuu Jordi Alba ka yiri guuldarradii xalay kooxdiisa Barcelona kasoo gaartay Athletic Bilbao?

(Bilbao) 21 Jan 2022. Daafaca dambeedka midig ee kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay kaddib markii naadiga reer Catalonia laga ciribtiray koobka Copa del Rey.

Athletic Bilbao ayaa u gudubtay wareega siddeeda ee Copa del Rey kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2 kooxda Barcelona oo marti ugu ahayd garoonka San Mamés, kulankii wareega 16-ka ee tartankan.

Sida uu daabacay wargeyska Marca ee dalka Spain Jordi Alba ayaa ciyaarta kaddib la hadlay saxaafada waxa uuna yiri:

“La shaqeynta Xavi waa wax wanaagsan, waana inaan horay u soconaa.”

“Qeybtii labaad iyo waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, si wanaagsan ayaan u dagaalanay, qeybtii horena waanu yara liidanay.”

“Waa in aanu horumar ku samaynaa waxyaabo badan, waa in aanu isku daynaa in aan si fiican u weerarno, iyo in aan haysano kubadda.”

“Waxaan khasaarinay fursad kale, tani waa wax aad u xun waana inaan sii soconaa.”

“Waa inaan sii wadnaa shaqada, hadalka muhiim ma ahan, wax walba waa in si fiican loo qabtaa, wadada Xavi waa mid wanaagsan, laakiin waa sanad adag.”

“Waxaa jira ciyaaryahano cusub, laakiin tayo leh, sanadkan waa sanad aad u adag marka la eego heer shakhsi iyo mid guud, ciyaartoyda khibradda leh waa inay qaataan kaalintooda oo ay dhiirigeliyaan ciyaartoyda da’ada yar.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close