Klopp oo ka hadlay guushii ay Liverpool ka gaartay Arsenal… (Muxuuse ka yiri Diogo Jota?)

(London) 21 Jan 2022. Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku ammaanay xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal Diogo Jota, wax qabadkiisa kulankii Arsenal.

Liverpool ayaa balan kaga sameystay Chelsea finalka koobka Carabao Cup kaddib markii ay guul kaga gaartay kooxda Arsenal 0-2, kulankii lugta labaad wareegga afar-dhammaadka ee tartankan.

Sida laga soo xigtay shabakada caalamiga ah ee Sky Sports Jurgen Klopp ayaa kulanka kaddib wuxuu lahadlay warbaahinta wuxuuna ammaan kala dul dhacay Diogo Jota, isaga oo yiri:

“Diego Jota wuxuu isku badalay weeraryahan heer caalami ah.”

“Niyadda qolka labiska waa mid gaar ah, kulan adag, waqti adag, laakiin ciyaartoyda waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn.”

“Qaybtii hore ee ciyaarta Arsenal waxa ay bilawday firfircooni, waxaan ciyaarnay kubad fiican, waxaan sameynay wax badan, qeybta labaadna waxay ahayd sidaas oo kale.”

“Waxaan dhalinay labo gool oo qurux badan, Diogo Jota waa mid cajiib ah, waxaan si buuxda ugu qanacsaneyn markii uu kooxda yimid inuu wax badan na caawin doono.”

“Tan iyo markii uu halkan yimid, wuxuu qaaday tillaabo kale,waxana uu isu rogay weeraryahan heer caalami ah.”

Waxaa xusid mudan in kooxda Liverpool ay finalka Carabao Cup kula ciyaari doonto Chelsea garoonka Wembley, 27-ka February.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close