Wada-hadallada Arsenal iyo Juventus ee ku aaddan Arthur Melo oo meel xasaasi ah maraya & arrinta hor taagan inuu guuleysto damaca Gunners

(London) 20 Jan 2022. Kooxaha kubadda cagta Arsenal iyo Juventus ayaa wali ka doodaya heshiiska ay kooxda Ingiriiska ah ku dooneyso inay kula saxiixato Arthur Melo oo khadka dhexe kaga ciyaara Juve.

Arthur ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo dhanka Waqooyiga London kaddib markii wakiilkiisa uu shalay la kulmay maamulka Arsenal isla markaana uu kala soo xaajooday arrimaha shaqsiga ah ee ciyaaryahanka, hase ahaatee, waxaa weli dhinac isu raaci la’ labada naadi.

Kooxda ka dhisan magaalada Turin ee dalka Taliyaaniga ayaa dooneysa inay Arsenal ku qaadato kubbad qaabeeyaha reer Brazil heshiis 18 bilood oo amaah ah oo lagu daray doorasho ay ku iibsan karto marka uu dhammaado heshiiska amaahda ah.

Dhinaca kale se, Gunners waxay dooneysaa keliya heshiis amaah ah oo ay xiddigii hore ee Barcelona ku heysato inta ka dhimman xilli ciyaareedkan sida aan kasoo xigannay suxufiga ka faallooda suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close