Real Madrid oo iska xaadirisay wareega siddeeda ee Copa del Rey kaddib markii ay guul soo labasho ah ka gaartay kooxda Elche… +SAWIRRO

(Elche) 20 Jan 2022. Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega siddeeda ee Copa del Rey kaddib markii ay guul soo labasho oo 1-2 ah ka gaartay kooxda Elche, kulankii wareega 16-ka ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Elche iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-kii daqiiqo ee loogu tala galay ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah, si loo xaqiijiyo kooxda u gudbeysa wareega xiga ee siddeeda.

Daqiiqadii 102-aad kooxda Real Madrid ayaa noqotay 10 ciyaaryahan kaddib markii kaarka roosaha oo toos ah laga siiyay daafaca reer Brazil ee Marcelo.

103 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda martida loo ahaa ee Elche ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Gonzalo Verdú.

Laakiin daqiiqadii 108-aad Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay laacibkooda reer Spain ee Isco, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Dani Ceballos

116 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Eden Hazard oo caawin ka helay David Alaba ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay Real Madrid kaga soo adkaatay kooxda Elche oo ay booqatay, waxayna Los Blancos iska xaadirisay wareega xiga siddeed dhammaadka ee tartanka Copa del Rey.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close