Paul Pogba oo Manchester United ku war geliyay kooxda uu dhaqaaqi doono & Red Devils oo la laabatay dalabaadyadeedii heshiis kordhinta

(Manchester) 20 Jan 2022. Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga Manchester United ee Paul Pogba ayaa kooxdiisa u sheegay inuusan saxiixi doonin heshiis cusub isla markaana uu suuqa xagaaga ee soo socda uu bilaash ugu biiri doono naadiga Real Madrid.

Qandaraaska Pogba ee garoonka Old Trafford ayaa dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu wada-hadallo la qaatay maamulka Red Devils isagoo u sheegay inuu ka tagayo marka uu heshiiskiisa dhaco.

Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa wariyay kulankaas u dhexeeyay labada dhinac, waxaana uu wargeyska shaaciyay inay Man United ogolaatay inuu xiddiga bilaash kaga dhaqaaqo dhammaadka xilli ciyaareedkan isla markaana ay meel iska dhigto dalabaadyadii ay ku dooneysay inay kaga qalqaalsato qandaraas cusub.

Si kastaba ha ahaatee, sanado badan ayaa 28-sano jirka Faransiiska ah lala xiriirinayay Los Blancos gaar ahaan markii ay Madrid hoos joogtay xukunkii Zinedine Zidane, waxaana xusid mudan inuu si cad u sheegay inay u dhaqaaqista kooxda ugu guulaha badan horyaalka La Liga u tahay riyo weyn oo uu ku taammayay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close