Liverpool oo balan kaga sameystay Chelsea finalka koobka Carabao Cup kaddib markii ay guul ka gaartay Arsenal… +SAWIRRO

(London) 20 Jan 2022. Liverpool ayaa balan kaga sameystay Chelsea finalka koobka Carabao Cup kaddib markii ay guul kaga gaartay kooxda Arsenal 0-2, kulankii lugta labaad wareegga afar-dhammaadka ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.

Daqiiqadii 19-aad kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Diogo Jota, kaddib markii ay caawinta goolka kaga timid saaxiibkiis Alexander-Arnold.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

79 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Diogo Jota ayaa wuxuu markale ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 90-aad marka ay ciyaarta mareysay kooxda Arsenal ayaa noqotay 10 xiddig kaddib markii uu kaarka roosaha ka qaatay laacibkooda khadkad dhexe ee Thomas Partey.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-2 ay Liverpool kaga soo adkaatay kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonka Emirates, Reds ayaa sidaas ku jaratay tikitkeeda kulanka finalka koobka Carabao Cup oo ay kula ciyaari doonto naadiga Chelsea.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close