Kooxda Manchester United oo TAARIIKH sameysay kulankii ay xalay guusha ka gaareen Brentford

(London) 20 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wadada guulaha dib ugu soo laabtay xalay, kaddib markii ay 1-3 kaga adkaatay naadiga Brentford, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.
Kulankaas kooxda martida ahayd ee Man United waxaa saddex gool u kala dhaliyey xiddigaha akadeemigeeda ka soo wada baxay ee Anthony Elanga, Mason Greenwood iyo Marcus Rashford.
Manchester United ayaa sidaas xalay taariikh ku sameysay waxaana ay noqotay Kooxdii ugu horreysay ee 300 oo guul bannaanka ku soo gaarta horyaalka Premier League (Away).
Haddaba halkaan hoose ka eeg sida kooxugu guulaha ugu soo gaareen kulammada away-ga ah horyaalka Premier League & sida ay u kala sarreeyaan:-
300 – Manchester United
259 – Chelsea
246 – Arsenal
239 – Liverpool
188 – Manchester City
Gool FM.