Man United oo wadada guulaha dib ugu soo laabatay, kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Brentford… +SAWIRRO

(London) 19 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wadada guulaha dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay kaga adkaatay naadiga Brentford 1-3, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Brentford iyo Manchester United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay da’ayarkooda Anthony Elanga.

62 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Mason Greenwood oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Bruno Fernandes ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Marcus Rashford oo caawin ka helay saaxiibkiis Bruno Fernandes ayaa daqiiqadii 77-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Manchester United kaddib markii uu ka dhigay 0-3.

Kooxda Brentford ayaa daqiiqadii 85-aad la timid gool waxaana 1-3 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Ivan Toney.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Brentford oo ay booqatay, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada Premier League. United-ka ayaa wali ku jirta kaalinta 7-aad ee kala sareynta horyaalka, waxayna leedahay 35 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close