Horudhac: Brentford vs Manchester United… (Red Devils oo jebin karta rikoor ay Premier League u dhigtay Liverpool horraan & Soo laabashada Cristiano Ronaldo)

(London) 19 Jan 2022. Kooxda xilli ciyaareedkan kusoo laabtay heerka koowaad ee kubadda cagta Ingiriiska ayaa caawa kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka Premier League kula balansan naadiga Manchester United oo qaab ciyaareed aanan wanaagsaneyn ku jirta haatan.

Brentford ayaa haatan ku jirta kaalinta 14-aad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 23 dhibcood halka Red Devils ay ku jirto kaalinta toddobaad iyadoo leh 32 dhibcood, hase ahaatee, waxaa xusid mudan kooxda magaalada London ka dhisan inay heysato hal ciyaar oo baaqi ah halka Man United ay heysato labo ciyaar oo baaqi ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Brentford Community Stadium

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Wararka Kooxaha:

Brentford ayaanan soo warin dhaawacyo cusub, waxaana Macallin Thomas Frank uu heystaa safkii uu kala hortagay Liverpool kulankii ugu dambeeyay kaasoo dhegta dhiigga loo daray, waxaana wali ay weyneysaa lix ciyaaryahan oo dhaawacyo iyo gudashada waajibaadkooda xulalka Afrika ku kala maqan.

Dhanka kale, weeraryahannada Manchester United ee Cristiano Ronaldo iyo Marcus Rashford ayaa kusoo laabtay tababarka ku buuxa ee kooxda iyagoo diyaar u ah ciyaartan, waxaase sii maqnaan doona Paul Pogba oo dhaawac dheer kasoo laaban doona kaddib kulammada lagu nasanayo qarammada ee soo aaddan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Kani waa kulankii ugu horreeyay ee ay labadan naadi isaga hor imaadaan tan iyo markii ay Manchester United kulan ka tirsan League Cup ku garaacday Brentford garoonka Old Trafford bishii September ee sanadkii 1975.

Markii ugu dambeysay ee ay horyaalka isku arkaan waxay Man United dhiggeeda ku garaacday 4-1 ciyaar ka dhacday Maine Road sanadkii 1946.

Guushii ugu dambeysay ee ay naadiga lagu naaneyso The Bees ka gaartay Red Devils waxay ku adkaatay 2-0 kulan ka tirsanaa wareegga shanaad ee tartanka FA Cup kaasoo dhacay 12-kii February sanadkii 1938.

Brentford ayaa la garaacay afar ka mid ah shantii ciyaarood ee lasoo dhaafay Premier League, hase ahaatee, saddex ka mid ah afartii ciyaarood ee ugu dambeysay horyaalka oo ay garoonkeeda ku ciyaartay waxay heshay guul.

Manchester United ayaa noqon karta kooxdii labaad ee gool kusoo dhalisa garoon walba oo ay ku ciyaartay Premier League kaddib naadiga Liverpool oo hore sidaas u sameysay.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Brentford:

Manchester United:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close