Waa tee kooxda qorsheynaysa inay suuqan kala iibsiga xiddigaha Super Mario Balotelli dib ugu soo celiso horyaalka Premier League?

(England) 18 Jan 2022. Kooxda Kubadda cagta Newcastle United ee waddanka Ingiriiska ayaa lagu soo warramayaa in ay qorsheyneyso in suuqan kala iibsiga ciyaartoyda ay soo iibsato dibna ugu soo celiso Horyaalka Premier League weeraryahan Super Mario Balotelli oo haatan u ciyaara naadiga Adena Demirspor ee Waddanka Turkiga.

Newcastle ayaa doonaysa in ay safkeeda adkeyso si ay uga bad baaddo in ay ka dhacdo Horyaalka Ingiriiska oo ay ku biirto kooxaha Championship-ka Ingiriiska.

Balotelli ayaa horey uga soo dheelay Horyaalka Premier League isagoo u soo ciyaaray kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Xilli ciyaareedkan laacibka reer Talyaani ee Balotelli waxa uu u saftay kooxdiisa Turkiga ah 20 kulan, isagoo u dhaliyay 8 gool, halka 4 goolna uu ku caawiyay saaxiibadiis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close