Kooxda Real Madrid oo xaqiijisay inuu geeriyooday halyeygoodii guulaha ee Paco Gento

(Madrid) 18 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaqiijisay inuu geeriyooday halyaygoodii ugu weynaa ee guulaha naadiga, Paco Gento.

Los Blansoc ayaa xaqiijisay inay lumisay halyeygii kooxda ee Francisco (Paco) Gento, kaasoo ka mid ahaa xiddigaha koobabka ugu badan kula guuleystay naadiga.

Bayaan ka soo baxay Real Madrid oo lagu xaqiijiyey geerida halyeygan ayaa lagu sheegay in Gento uu geeriyooday isagoo jiray da’da 88-sano, isla markaana kooxdu ay tacsi u dirayso xaaskiisa Mari Luz, carruurtisa Francisco iyo Julio iyo carruurta uu awoowaha u yahay ee Aitana & Candela.

Gento oo garabka bidix ee weerarka ka ciyaari jiray ayaa 428 kulan oo horyaalka ah u ciyaaray Real Madrid, waxaana uu u dhaliyey 128 gool muddo 18-sano ah oo uu guud ahaan u ciyaarayay Kooxda.

Waxa uu ku guuleystay 12 horyaalka La Liga ah, lix koobka horyaallada Yurub ah, labo Copa del Rey & Koobab kale.

Gento waxa uu ahaa Madaxweyne sharafeedka Real Madrid, Kooxda ayaana baroordiiq u sameyn doonta isaga kulanka ay Axadda soo aaddan garoonkooda Santiago Bernabeu ku soo dhoweynayaan Elche.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close