Horudhac: Brighton & Hove Albion vs Chelsea… (Brighton oo aan weli Blues ku baacsan Premier League)

(Brighton and Hove) 18 Jan 2022. Kulan ka tirsan horyaalka Premier League ayaa caawa la ciyaari doonaa iyadoo kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion ay soo dhoweyneyso naadiga Chelsea.

Naadiga Brighton ayaa haatan fadhisa kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 32 dhibcood, waxayse ciyaartay 20 kulan, halka Blues oo ciyaartay 22 kulan ay ku jirto booska labaad iyadoo leh 43 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Amex Stadium

Garsooraha: Kevin Friend (England)

Wararka Kooxaha:

Brighton difaaceeda Tariq Lamptey oo baddel kusoo galay ciyaartii toddobaadkan horraantiisii kaddib dhaawac yar oo dhanka gumaarka ah ayaa taam buuxa u ah inuu caawa ka hor tago kooxdiisii hore, hase ahaatee, Lewis Dunk, Shane Duffy iyo Adam Lallana ayaa dhammaantood seegaya kulankan.

Dhanka kale, Chelsea ma aysan soo warin dhaawacyo cusub inkastoo aysan heli doonin difaacyadeeda kala ah Andreas Christansen oo Koofid-19 la maqan oo lagu daray Trevoh Chalobah, Ben Chilwell iyo Reece James oo iyaguna dhaawacyo qaba, waxaase la rajeynayaa inay Mason Mount iyo Jorginho soo laabtaan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Kaddib guushii ay kaga gaartay tartanka FA Cup is-araggoodii ugu horreeyay taariikhda bishii January ee 1933, Brighton ayaa guul la’aan ah 16-ciyaarood oo ka dambeysay kulankaas oo ay wajahday Chelsea.

Blues ayaa guuldarro la’aan ah 13 kulan oo ay Premier League kaga hor tagtay naadiga Brighton, waana rikoorkeeda guuldarro la’aan ee ugu dheer ee ay hal koox kaga heysato horyaalka iyadoo aanan dhinaceeda dhulka la dhigin.

Saddex ka mid ah afartoodii ciyaarood ee ugu dambeysay Premier League ayaa ku dhammaaday barbarro, waxaana ku jira barbarrihii 1-1 ahaa ee ay labada naadi ku galeen Stamford Bridge 29-kii December ee sanadkii tagay.

The Seagulls ayaa dhalisay toddobo gool kaddib daqiiqadda 80-aad ee ciyaarta fasalkan, waxayna toddobaad gool noqdeen goolka kaliya ee ay dhalisay mid kasta oo ka mid ah kulammadaas.

Chelsea ayaa dhibco lumisay siddeed ka mid ah 12-keedii ciyaarood ee ugu dambeeyay horyaalka, iyagoo kaliya labo kulan shabaqooda gool ka ilaashaday.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Brighton & Hove Albion:

Chelsea:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close