Manchester United oo lagula dheggan yahay inay tababaraheeda xiga ka dhigato Mauricio Pochettino

(Manchester) 17 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wali ku taammeysa inay xagaaga soo aaddan xilka macalinnimo u magacawday Mauricio  Pochettino hase ahaatee, waxaa lasoo warinayaa in mid ka mid ah kooxaha qaaradda Yurub ay xiiseyneyso helidda macallinka naadiga Paris Saint-Germain.

Wargeyska The Telegraph ayaa baahiyay in koox ciyaareysa tartanka Champions League oo aan magaceeda la shaacin ay dooneyso inay xagaagan gacanta ku dhigto tababaraha reer Argentina, waxayna naadigan aanan magaceeda la xusin diyaar u tahay inay Man United kula loollanto Pochettino.

Ralf Rangnick oo haatan si ku meel gaar ah u leylinaya Red Devils inta ka harsan xilli ciyaareedkan isla markaana qaban doona doorka la talinta ee kooxda Ingiriiska ah ayaa dhinaca kale doonaya inuu shaqadiisa ku wareejiyo macallinka naadiga Ajax ee Erik Ten Haag, inkastoo weli hoggaamiyihii hore ee Tottenham Hotspur la aaminsan yahay inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close