Ma kula tahay in qarashka saxda ah ee ku baxayo saxiixa Erling Haaland uu gaarayo 350 milyan oo euro?… (Ka bogo jidadka ay qarashaadka intaas la ug ku baxayaan)

(Dortmund) 17 Jan 2022. Xiddiga kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa sida la wada fahansan yahay bartilmaameed u ah qaar ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan qaaradda Yurub sida Barcelona, Real Madrid, Manchester City, Manchester United, Chelsea, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.

Hase ahaatee, wargeyska MARCA ee kasoo baxa dalka Spain ayaa baahiyay in qarashka saxda ah ee ku kacay iibka xiddigan uu gaarayo wadar ahaan 350 milyan oo euro oo u dhiganta 292 milyan oo gini, waxaana qayb ka ah 75 milyan oo euro oo qandaraaskiisa lagu jebin karo, waana lacag u dhiganta 63 milyan oo gini.

Lacagta lagu jebinayo heshiiskiisa waxaa barbar socda khidmooyin xoog leh oo ay qaadan doonaan wakiilka Haaland ee Mino Raiola iyo aabbihiis oo dardar gelinaya heshiis walba oo uu weeraryahanka reer Norway ku dhaqaaqayo iyo mushaharaadka iyo gunnnooyinka uu ku heli doono qandaraas lix sano ah haddii uu saxiixo.

Si kastaba ha ahaatee, 21-sano jirkan ayaa sida uu sheegay cadaadis kala kulmaya naadigiisa Dortmund si uu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan inuu laacibkan door bidayo u dhaqaaqista midkood Real Madrid ama Barcelona halkii uu aadi lahaa kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close