Kooxda Barcelona oo xiiseynaysa saxiixa Weeraryahan ka tirsan Liverpool

(Barcelona) 16 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay markaan xiiseynayso saxiixa Weeraryahanka naadiga Liverpool ee Roberto Firmino.

Sida uu daabacay Warsidaha El Nacional Naadiga Blaugrana ayaa markaan diiradda saaratay xiddiga reer Brazil ee Firmino.

Naadiga Reds ayaa doonaysa inay iska iibiso 30 jirkaan suuqa xagaagan haddii ay hesho dalab dhan 20 milyan oo euro oo u dhiganta 17 milyan oo gini oo u dhiganta 23 milyan oo dollar.

Firmino ayaa todobadii sano ee ugu dambeeyey ku qaatay garoonka Anfield, laakiin muddooyinkii dambe waxa uu waayey booskiisa safka hore ee kooxda Tababare Jurgen Klopp, waxaana ka hor maray Diogo Jota.

Kooxda Barcelona ayaana haatan u malaynaysa inay laacibkan ku qancin karto inuu u soo dhaqaaqo garoonka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close