Horudhac: Liverpool vs Brentford… (Reds oo aanan heysan Mane iyo Salah ciyaar EPL ah markii ugu horreysay tan iyo…)

(Liverpool) 16 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heysata fursad ballaaran oo ay dib ugu soo laaban karto booska labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League haddii ay maanta garaacdo naadiga Brentford oo ay garoonkeeda kusoo dhoweyneyso ciyaar qayb ka ah kulammada horyaalka ee toddobaadkan.

Reds oo labo kulan gacanta ku heysata mid ka mid ahna maanta ciyaareysa ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka, waxayna leedahay 42 dhibcood, halka Brentford ay kaalinta 14-aad la fadhiso 23 dhibcood inkastoo iyaduna ay heysato labo ciyaar oo baaqi ah isla markaana mid ka mid ah ay galabta ciyaareyso.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Jonathan Moss (England)

Wararka Kooxaha:

Liverpool ayaa ka bad qabta dhaawacyo cusub iyadoo James Milner, Andy Robertson iyo Virgil van Dijk dhammaantood la rajeynayo inay kasoo kabtaan dhaawacyadii yaryaraa ee ay ku seegeen ciyaartii Arsenal ee Khamiistii, balse Naby Keita, Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa ku maqan tartanka qarammada qaaradda Africa.

Dhanka kale, Brentford xiddigaheeda Sergio Canos iyo Rico Henry ayaa lagu rajo weyn yahay inay kulanka Reds taam u noqdaan galabta, hase ahaatee, waxaa dhaawacyo ku seegaya kulankan Josh Dasilva, David Raya, Charlie Goode iyo Mathias Jorgensen halka Frank Onyeka uu isna ku maqan yahay ka qayb galka tartanka qarammada Africa.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Waa markii ugu horreysay ee ay naadiga Brentford booqaneyso Anfield tan iyo ciyaartii FA Cup wareeggiisa rubac-dhammaadka lagu soo garaacay bishii March sanadkii 1989. Reds ciyaarteedii ugu dambeysay ee ay The Bees marti soorto kulan horyaalka ka tirsan waxay ahayd bishii October ee sanadkii 1946.

Ugu yaraan mid ka mid ah Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa ciyaarayay mid kasta oo ka mid ah 172 kulan oo ay Liverpool ciyaartay horyaalka Premier League tan iyo markii uu weeraryahanka Masaarida Anfield usoo wareegay xagaagii 2017.

Xitaa marka lagu daro goolasha kama’da ah, 10-kii gool ee ugu dambeysay ee ay Brentford ka dhalisay Premier League waxaa kala dhaliyay 10 xiddig oo kala duwan.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Liverpool:

Brentford:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close