RASMI: Luis Nani oo markale ku soo laabtay Horyaalka Talyaaniga… (Kooxda uu ku biiray & Lambarka uu u xiran doono) + SAWIRRO

(Yurub) 15 Jan 2022. Laacibkii hore ee kooxda Manchester United, Luis Nani ayaa markale yimid Horyaalka Serie A-da Talyaaniga, waxaana markan la soo wareegtay kooxda Venezia.

Garabkii hore ee Man United ayaa horey muddo amaah ah hadda ka hor ugu soo dheelay kooxda Lazio, waxaana Nani uu kulankiisa ugu horreeya Venezia u safan doonaa ciyaarta Axadda ay kaga hor tagi doonto Kooxda Empoli.

Xiddiga reer Portugal ayaa lambarka 20-aad u xiran doona kooxdiisa cusub ee Venezia.

Nani oo 35 jir ah waxaa lagu xasuustaa waayihii wacnaa ee Manchester United intii u dhexeysay 2007-2015, isagoo muddadaasna u dhaliyay 41 gool halka 73 goolna uu saaxiibadii ku caawiyay.

Sidoo kale Nani ayaa Manchester United kula guuleystay 4 Horyaalka Ingiriiska ah iyo Horyaallada Yurub (2007-2008).

SAWIRRO:

Nani torna in Italia: ufficiale il passaggio al Venezia

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close