Kylian Mbappe iyo Paris Saint-Germain oo ku jira wada-hadallo uu weeraryahankan kusii joogayo Parc des Princess

(Paris) 15 Jan 2022. Mustaqbalka Kylian Mbappe ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa muddooyinkii dambe shaki weyn ku jiray iyadoo lala xiriirinayay inuu xagaagan Real Madrid ugu biiro qaab bilaash ah, hase ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay PSG haatan wada xaajood kula jirto Mbappe si ay uga dhaadhicio inuu baaqi kusii ahaado kooxdooda.

Qandaraaska 23-sano jirkan ee garoonka Parc des Princess ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan isagoo haatan xor u ah inuu heshiis horudhac ah la gaaro kooxdii uu doono ee ka dhisan meel ka baxsan Faransiiska.

Mbappe ayaa dhowr jeer horey u diiday dalabaadyo heshiis kordhineed oo ay miiska usoo saartay kooxda Faransiiska ka dhisan hase ahaatee, waxa uu doortay inuu iska diido si loogu ogolaado inuu ku biiro Los Blancos, balse Daily Telegraph ayaa baahisay inay haatan socdaan wada-xaajood uu qandaraaska ku kordhinayo.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Spain ayaa saddex dalab oo ay ku doonay Mbappe u bandhigtay kooxda ka dhisan Paris, hase ahaatee, hoggaamiyeyaasha Ligue 1 ayaa iska diiday dhammaan saddexdii dalab ee ay ka heshay dhiggeeda xagaagii lasoo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close