Alphonso Davies oo tababarka joojiyay kaddib xaalad wadnaha la xiriirta iyo kooxda Bayern Munich oo war kasoo saartay xaaladda difaaceeda

(Munich) 15 Jan 2022. Ole’ olaha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa dhabar jab xoog leh la kulmay kaddib markii la shaaciyay in xiddigeeda Alphonso Davies uu joojiyay tababarka sababo la xiriira xanuun wadnaha ah oo daran.

Tababaraha Bayern ee Julian Nagelsmann ayaa shaaciyay in difaacan bidix uu maqnaanayo toddobaadyada soo aaddan maadaama uu laga dabiibayo xanuunkan wadnaha la xiriira ee soo food saaray.

Dhinaca kale, wargeyska The Athletic ayaa baahiyay xiddiga reer Canada uu si joogto ah u marayay baaritaanno la xiriira wadnaha tan iyo markii uu kasoo kabsaday xanuunka Korona Fayras horraantii bishan January.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan la sheegay in dhaqaatiirta iyo waaxda caafimaadka naadiga Bayern Munich ku howlan yihiin sidii uu Davies xilli hore usoo kabsan lahaa isla markaana uu ugu soo laaban lahaa garoommada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close