Sidee ayuu Klopp uga hadlay barbarihii Liverpool ay la gashay 10 xiddig oo kooxda Arsenal ah?

(Liverpool) 14 Jan 2022. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu jeclaan lahaa in Reds ay gool dhaliso halka Arsenal laga siin lahaa kaarka roosaha.

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield barbaro kula gashay 10 xiddig oo Arsenal ah kulanka lugta hore Semi-finalka Carabao Cup, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah.

Garoonka Emirates ee magaalada London ayaa marti galin doona kulanka lugta labaad toddobaadka soo xocda si loo go’aamiyo kooxda kulanka finalka Carabao Cup-ka kula ciyaari doonto Chelsea.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda reer London Granit Xhaka, ayaa kaarka cas qaatay daqiiqadii 24-aad, kaddib markii uu gacan ka hadal ku sameeyay Diogo Jota.

Si kastaba ha noqotee Klopp ayaa u sheegay shabakada Sky Sports ciyaarta kaddib:

“Waxaan filayaa inaan ku bilownay si fiican, waan jecleystay, waxayna ahayd sida aan doonayay inaan ku bilaabo.”

“Waxaan ka door bidi lahayn inaan gool dhalino inta ay qaadan lahaayeen kaarka roosaha, waxaad moodaa in tan iyo markaas aan cadaadis ku saarnay si aan gool uga dhalino, waxaana ku qasbanaanay inaan badelno shaxda kooxda sababo muuqda kahor kulanka.”

“Qeybtii labaad, waxaan sameynay isbedelo, waxaana u maleeyay inay wanaagsan yihiin, waxaan heysanay go’aamo cad ee muuqda, laakiin uma wanaagsaneyn si ku filan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close