“Mohamed Salah waa aasaaska awooda kooxda Liverpool” – Halyeey kooxda Chelsea ah

(Liverpool) 14 Jan 2022. Laacibkii hore kooxda Chelsea ee Jason Cundy ayaa muujiyay fikirkiisa ah in Mohamed Salah uu yahay aasaaska awooda Liverpool, la’aantiisana ay kooxda u muuqato mid caadi ah.

Hadalka Jason Cundy ayaa kusoo beegmaya xilli Liverpool ay barbardhac 0-0 ah la gashay Arsenal lugta hore ee semi-finalka tartanka Carabao Cup.

Liverpool ayaa ku dhibaatootay kulankii xalay ka dhacay garoonka Anfield sabab la xiriirta maqnaanshiyaha labada xiddig ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo ka qeyb galaya tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Cameroon.

Haddaba halyeeyga kooxda Chelsea ee Jason Cundy ayaa wareysi uu siiyay shabakada TalkSport, wuxuu ku sheegay:

“Liverpool gabi ahaanba waa koox kale la’aanta Mohamed Salah iyo Sadio Mane, oo ah laba ciyaaryahan oo heer caalami ah, caawa waxay u muuqatay koox dhexdhexaad ah”.

Jason Cundy rips into Chelsea fan who calls talkSPORT trying to defend racist Mohamed Salah chant

Xidigii hore ee kooxda Chelsea ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay heshiis kordhin la’aanta Salah ee Liverpool, iyadoo ay jiraan warar xaqiijinaya in maamulka Reds aysan aqbalin codsiyada dhaqaale ee xiddiga Masar.

Halyeeyga kooxda Chelsea ee Jason Cundy oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Rikoorada Salah waa mid cajiib ah, hadda waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waxaan si sax ah u aragnay waxa ay Liverpool noqon doonto la’aantiis.”

Mohamed Salah ayaa Reds ku soo biiray 2017 isaga oo ka yimid kooxda Roma, tan iyo markaas waxa uu kooxda uga qayb qaatay 229 kulan, isagoo u dhaliyay 148 gool, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay saaxiibadiis 56 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close