Arteta oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka Arsenal… (Muxuuse ka yiri dhaawaca soo gaaray Saka?)

(Liverpool) 14 Jan 2022. Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka Gunners ee kulankii xalay ay la ciyaareen Liverpool.

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield barbaro kula gashay 10 xiddig oo Arsenal ah kulanka lugta hore Semi-finalka Carabao Cup, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah.

Garoonka Emirates ee magaalada London ayaa marti galin doona kulanka lugta labaad toddobaadka soo xocda si loo go’aamiyo kooxda kulanka finalka Carabao Cup-ka kula ciyaari doonto Chelsea.

Wargeyska “Metro” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Mikel Arteta ciyaarta kaddib, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ciyaartoyda Arsenal waxay awoodeen inay ku fiicnaadaan duruufaha adage e kulanka.”

“Waxaan nimid halkan, iyada oo ay naga maqan yihiin 9 ama 10 ciyaaryahan.”

“Ma garanayno waxa aan filan karno maalinta xigta, markaa taas marmarsiinyo looma isticmaali karo.”

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay wixii ay ciyaartoyda ku sameeyeen garoon aad u adag oo ay kaga horyimaadeen koox aad u fiican, waxaana ku ciyaarnay 70 daqiiqo anagoo toban ciyaartoy ah.”

“Waxay ku saabsan tahay dagaalka, ruuxda, ballanqaadka iyo tayada sidoo kale.”

“Waxaan u sheegay in aan doonayo in aan arko koox halkan ugu ciyaareyso si xamaasad leh oo soo bandhigta wax walba oo aan maalin walba ka hadalno, waana waxa aan arkay maanta, marka aad ayaan u faraxsanahay.”

Inaas kaddib tababare Mikel Arteta ayaa ka hadlay dhaawaca Bukayo Saka oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta laga saaray, wuxuuna yiri:

“Saka wax buu dareemay, aad buu u daalanaa.”

Wuxuu sii raaciyay: “Ma garanayo, waa ciyaaryahan da’ayar ah, wuuna soo kabsan doonaa, waliba si deg-deg ah, wuxuu ciyaaray daqiiqado badan bilihii la soo dhaafay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close