Liverpool oo garoonkeeda Anfield barbaro kula gashay 10 xiddig oo Arsenal ah kulanka lugta hore Semi-finalka Carabao Cup… +SAWIRRO

(Liverpool) 13 Jan 2022. Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield barbaro kula gashay 10 xiddig oo Arsenal ah kulanka lugta hore Semi-finalka Carabao Cup, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Liverpool iyo Arsenal ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 24-aad kooxda Arsenal ayaa noqotay 10 xiddig kaddib markii uu kaarka roosaha ka qaatay laacibkooda khadka dhexe ee G. Xhaka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah, ay ku kala baxeen labada kooxood Liverpool iyo Arsenal, iyada oo kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka Emirates 20-ka bishan January.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close