Athletic Bilbao oo balan kaga sameystay Real Madrid finalka koobka Spanish Super Cup kaddib markii ay ka garaacday Atletico Madrid … +SAWIRRO

(Riyad) 13 Jan 2022. Athletic Bilbao ayaa balan kaga sameystay Real Madrid kulanka finalka koobka Spanish Super Cup kaddib markii uu ku garaacday Atletico Madrid 1-2, kulankii afar dhammaadka ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Atletico Madrid iyo Athletic Bilbao ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 62-aaad kooxda Atletico Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay goolhaayaha Athletic Bilbao ee Unai Simón, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

77 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Athletic Bilbao ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay laacibkooda Yeray Álvarez kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Iker Muniain.

Daqiiqadii 81-aad kooxda Athletic Bilbao ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay da’ayarkooda Nico Williams.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-2 ay Athletic Bilbao kaga adkaatay Atletico Madrid, Bilbao ayaa balan kaga sameystay Real Madrid ifnalka koobka Spanish Super Cup oo lagu balansan yahay in la ciyaaro Axada soo socota.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close