Horudhac: Barcelona vs Real Madrid… (Ciyaarta El Classico oo daah fureysa Super Cup-ka Spain & Barca oo war farxad leh heshay kahor kulanka caawa)

(Riyad) 12 Jan 2022. Waxaa caawa bilaaban doona tartanka Super Cup-ka Spain oo ay sanad walba afar naadi ciyaaraan tan iyo 2019 markaas oo loo rogay inay ciyaaraan afar naadi halka markii hore ay ciyaari jireen keliya labada naadi ee kusoo kala guuleystay horyaalka La Liga iyo tartanka Copa del Rey.

Si kastaba ha ahaatee, caawa Barcelona iyo Real Madrid ayaa isku arkaya wareegga afar-dhammaadka ciyaartiisa hore markaas oo ay ku hardami doonaan magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga oo sanadihii dambe tartankan lagu qabanayay.

Dhinaca kale, kulanka kale ee wareegga afar-dhammaadka ayaa dhex mari doona naadiyada Atletico Madrid iyo Athletic Club, waxaana labada guuleyste ee caawa iyo habeen dambe soo bixi doona ay ciyaari doonaan fiinaalka tartankan habeenka Axadda ee asbuuca dambe.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain  – Spanish Super Cup

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: King Fahd International Stadium

Garsooraha: Jose Munuera (Spain)

Wararka Kooxaha:

Barcelona ayaa weyneysa difaaceeda dhexe ee Eric Garcia kaasoo diiwaanka xiddigaha dhaawacyada ku maqan kula biiray Sergi Roberto iyo Martin Braithwate, balse nasiib wanaag waxaa safka ciyaarta dib loogu soo daray Ferran Torres iyo Pedri oo dhaawac iyo Koofid-19 kasoo wada laabtay, si la mid ah waxaa kulankan usoo laabtay Barca xiddigaheeda Frenkie de Jong, Ronald Araujo iyo Ansu Fati kuwaasoo dhaawacyo kala duwan ku maqnaa.

Dhanka kale, Real Madrid macallinkeeda Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay inuu weynayo kaliya Mariano Diaz iyo Gareth Bale, sidoo kalena ay usoo laabteen Dani Carvajal iyo Luka Jovic oo Koofid-19 kasoo kacay.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Barcelona:

Ter Stegen; Dest, Pique, Lenglet, Alba; Nico, Busquets, Gavi; Dembele, L. De Jong, Depay

Real Madrid:

Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Asensio, Benzema, Vinicius Jr

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close