Arsenal oo weerar ku ah Paris Saint-Germain iyadoo kasoo dhacsanaysa xiddigan

(London) 11 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Arsenal oo dooneysa inay suuqa January sameyso saxiixyo cusub ayaa haatan xiiso u muujineysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga Paris Saint-Germain ee Georginio Wijnaldum.

L1 - Brest-Paris Saint-Germain : Georginio Wijnaldum, la recrue la plus  discrète, pas la moins précieuse pour le PSG - Eurosport

Gunners ayaa bisha January inta ka harsan iyo bilawga bisha soo aaddan ee February weyneysa xiddigaheeda khadka dhexe ee Thomas Partey iyo Mohamed Elneny kuwaasoo xulalkooda Ghana iyo Egypt kala qayb galaya tartanka qarammada qaaradda Africa ee AFCON 2021.

Sidaas darteed, Macallin Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay inay kooxdiisa lasoo saxiixaneyso xiddig cusub oo khadka dhexe ka ciyaara, waxaana sida laga soo xigtay Fichajes ay Arsenal dadaalkeeda isugu geyneysaa saxiixa Wijnaldum.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigii hore ee Liverpool ayaa ku dhibaatoonaya Faransiiska isagoo dhaliyay kaliya saddex gool mid kalena caawiyay 24 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan, waxayna kooxda Parc des Princess ku ciyaarta diyaar u tahay inay ku fasaxdo 15 milyan oo euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close